- Dhibaatada ka soo gaarta Caruurta
- Dhibaatada ka soo gaarta labada lamaane
- Dhibaatada ka soo gaarta labada dhinac
- Dhibaatada ka soo gaarta Bulshada
1. Dhibaatada ka soo gaarta Caruurta
Waxaa
hubaal in dhibaatada ugu wayni ee ka dhalata qoys burburka ay ku dhacdo Carruurta
haddii ay caruurtu lahaayeen qoyskaasi burburay.
Caruurta
waa hibo Alle nagu manneystay waxayna u baahan yihiin guri iyo gole nabadeed oo
ay xannaano iyo daryeel wanaagsanba ka
helaan, haduu burburo qoyska waxaa la isku qabtaa khilaaf na uu ka dhashaa
cidda haysanaysa caruurta, iyo sida loo maamulayo, sidoo kale inta badan waxay
ku dayacmaan is ximin iyo is xifaalin ka dhaxaysa labada waalid.
Caruurtu
waxay wajahaan dhibaato marka labadoodii waalid ay qoysas kale dhistaan,
tusaale ahaan hadii ilmaha uu aabaha qaato, ka dib na uu naag kale guursado
ilmihiina u geeyo inta badan dhibaato ayay la kulmaan ilmahaas oo suugaan badan
oo laga tiriyay baaba jirta sida ilmahaas ay u tabayaan hooyadood.
Sidoo
kalena haddii carruurtu ay hooyadood la nool yihiin, oo ayna guursato nin kale
oo aan aabahooda ahayn inta badani waxaa ka dhasha in carruurtu ay dareemaan
inay la nool yihiin qof aan aabohood ahayn sikasta oo ay xannaano uga helaan
ninkaasina wali way dareemayaan dareenkii aabenimo in uu ka maqan yahay, sidoo
kale waxa dhacda in niman ka qaar xitaa masruufka ka goostaan iyagoo ka
masayrsan guurkeeda.
Inta
badan labada waalid markay kala tagaan ilmaha waa loo kala sheekeeyaa oo aabaha
waxa laga yaabaa inuu ilmaha u sheego in hooyadood ay sabab u ahayd burbur ka
qoyska, sidoo kalena hooyada waxa laga yaabaa inay dareenkaas u gudbiso ilmaha,
badanaana ilmaha waxay la dareen yihiin aabe ama hooyo hadba qofka ay ka helaan
dareen ka iyo naxariista waalidnimo.
Dhibaatda
burburka qoyska ee caruurta kuma eka oo kaliya yaraantooda ee xitaa hadii ay
waynadaan oo ay dad waxtar leh noqdaan waxay ku qasban yihiin inay kala
qariyaan labadooda waalid oo marka ay wax siinayaan ay si hoose u kala debaraan.
Caruurta
qoys buruburay ka soo jeeda waxay saamayn ku yeelataa waxbarashadooda,
caafimaadkooda, farxadooda, iyo waliba maskaxdooda iyo hab fikirkooda, waana
dulmanaha uu dhibka ugu wayn ka soo gaaro burburka qoyska.
2. Dhibaatada ka soo Gaarta Labada Lamaane
Labada
lamaane markay is furaan inta badan waxa ka soo gaarta dhibaato, waxana ugu
wayn niyad jab uu qof ku dareemayo in wax uu muddo soo dhisayay iyo ka
burbureen, raadkeeda ayay na leedahay, sidoo kale waxa ka dhalata in qofku uu
ka caago ama iska diido guur danbe ba, isagoo ka niyad jabaya nolosha qoyskaba,
waxana jira dumar badan iyo rag badan oo goostay inay ilmohooda iska korsadaan
hadiiba uu gurigii ka burburay, waxaa kale oo jira kuwo intay nolosha si un uga
niyad jaba tahriib iyo safaro khatar ah ku hamiya, sidoo kale waxaa jira
mararka qaarkood in gabadhu nin aysan reerkoodu la rabin ay raacdo taasoo haddii
la soo furo uga dhigan inaysan haysan meel laga soo dhoweynaayo waayo gurigii arrin
aysan reerkeedu jeclayn ayay kaga soo baxdey markii horeba dhibaato walwal iyo
walaac ayaa qofkaasi oo kale u dheer.
Inkastoo
ay jiraan dad markay kala tagaan ka dib xitaa uu xiriir wanaagsan ka dhexeeyo
hadana, lamaanaha qaar waxaa soo
kala gaara waxay noqdaan uurkutaalo mahadho ah oo aan xusuustoda marna ka
gu’in.
3. Dhibaatada ka soo gaarta Labada
Reer
Labada
reer/ qaraabo ee lamaanaha uu qoysku ka burburo waxa ka dhalata mararka qaar
inuu khilaafka qoyskaas saamayn ku yeesho gaar ahaan haddii dad kaas is furay
ay qaraabo sii yihiin, odayaasha hawsha ku jirana aysan si wanaagsan u
maaraynin, oo mararka qaarkood waxa dhacday inay dad walaalo ah kuwo qaraabo
dhaw ah ku kala dhintaan oo aysan salaanta islaamka isaga qaadaynin qoys
burburay dartiis.
Iyadana
waa arrin khatarteeda ku leh bulshadeena Soomaaliyeed.
4. Dhibaatada ka soo gaarta Bulshada
Bulshada
Soomaaliyeed dhibaato wayn ayaa ka soo gaarta, burburka qoysas ka, waayo
colaado iyo cuqdado ka dhasha burbur qoys iyo caruur xoog iyo dacwad lagu kala
qaato ayaa dagaalo sababa marar ka qaar, dad badanna ay ku waxyeeloobaan.
Sidoo
kale caruurta aan tarbiyadii iyo daryeelkii ay u baahnaayeen aan helin bulshada
ayay culays ku yihiin oo xitaa amni darrada ayay qayb ka yihiin mararka
qaarkood.
0 Comments