Wiil ayaa aad u jeclaadey Gabadhii intuu Dadaali karo ayuuna dadaaley, Lacag ilaa iyo 30 malyan ah ayuuna soo aruuriyay, Aabihiisa ayuuna sheegay inuu Gabdhaas doonayo, wuxuu kaloo u sheegay Shurudda Hooyadeed oo aheyd 50 Malyan, Wax ka yar Ninkii watana ineysan siineynin Gabadheeda.
Aabihii wuxuu Wiilkiisa ku yiri Dhib malaha Wiilkeygiyoow keen intaad heysid . Wiilkii ayaa haddana ku celiyey laakin Aabbe Maamadaas anaa kaaga Aqoon roon 50milyan ka yar Aqbali meyso.
Aabbihii ayaa haddana yiri Wiilkeygiyow keen intaad heysid Rabbi ayaa noo fududeynaayo, Bal inakeen aan kuu doonee Gabadha.
Wey is raaceen, waxeyna aadeen Gurigii ay Gabadha ka doonanayeen, Is Wareysi ka dib Aabihii wuxuu u sheegay Maamadi Garoobta aheyd inuu Gabadheeda Wiilkiisa u soo doonay 10 Milyana ay ka dhigayaan Meherka, Ka dib Maamadii ayaa tiri War maxaad sheegi 10 Milyan aaaaa!
Aabihii ayaa Hadalkii qaatay oo yiri Ha iga dhex gelin Warka Walaalo 10 Milyan, kalena waa Adiga Meherkaaga, oo Adigana anaa ku Rabo.
Maamadii Intey Dhoola Cadeysay bey tiri: Rabbi ha isku keen Barakeeyo, waana Ogolahay Wax kasta.
Markay Deriskii Weydiiyeen sababta ay uga Tanaasushay Go'aankeeda Waxey tiri: Badeecaduba marka Jumlo iyo Tafaariiq lagu kala Gadanaayo isku qiimo ma ahan kkkk.
Wiilkiina 10kii Milyan soo hartay ayuu Aabihiis weydiiyey, kolkaas Aabihii ayaa ugu jawaabay: Hooyadaada ayaan Maseer Tir uga Dhigayaa ee iga Leexo Maandhoow kkkkkk.
Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.
0 Comments