Gabaryahay Ha Guursan 4-tan Nooc ee Ragga Kamid Ah



Inaad guursato waa wacad dhab ah oo noloshaado ay gasho, laakiin dadka qaar Ayaan u qaadan arrin adag oo masuuliyadeeda xambaarsan. Waana inaad guursataa qofka ugu haboon ee ay noloshaadu ku hamineysay. Waa inaad guursataa ruux dhib iyo dheefba kula wadaaga oo marwalba garabkaaga taagan. 
Gabdhow, adinka oo taasi maanka ku haya, Waxaan jira 4 nooc oo raga kamid ah oo ay tahay inaadan noloshaada ku aaminin.



1. Jeeb Tarraqa

Waa inaad isweydiisaa marka hore side ayuu jeeb taraq ku noqday. Ma shaqeyste miyaa oo aan shaqoba ogolayn? Ma nin aan xoolihiisa dhaqaaleysan oo wixii soo galaaba ku cayaaraa? Hadba midday doonto ha ahaatee, waa inaadan ku kadsoomin guurka qof oo xoolihiisa maareyn Karin. Waxaa aad u wanaagsan inaad raadsato mid uu dhaqaalihiisu xasilloon yahay. Taasu micneheedu ma ahan inuu ahaado maalqabeen taajir ah, laakiin waa inuu ahaadaa qof masuuliyadda culayskeeda fahamsan. Qof aan dhaqaalihiisa maareyn Karin oo aan lahayn keyd uu mustaqbalka ku baxsado side noloshaada qaaliga ah ugu aamini kartaa?. Sida ugu fudud aad ku ogaan karto ninka masuuliyadda dareensan waxaad fiirisaa habdhaqankiisa marka aad sheeko wadaagga tihiin. Side ayuu dhaqaalihiisa u maareeyaa?


2. Cayaal Maamo
Marka aad guursato mid cayaal maamo ah waxaa uu marwalba cabirkiisa ku xiran sidii ay hooyadiisa ula soo dhaqmi jirtay. Waa la soo koolkoolin jiray, weligiisa xumaan lagama soo cannaan, wixii uu sheego ayaana sax ahayd. Wuxuu marwalba kaa rabaa sidii hooyadiisa uu ka heli jiray inuu adigana kaa helo. Weligiis masuuliyad masoo xambaarin, haba ugu yaraatee inuu shaqada guriga kaa caawiyo. Waxaa laga yaabaa haddii aad is hadal dhaaftaan inuu guriga hooyadiisa u caroodo waayo caqligiisa iyo dhaqankiisuba waa sidii caruurta oo kale. 

3. Weji Macbuus
Dadka qaar ayaa weligooda iska ah kuwo aan faraxsanayn. Waxwalba oo dhacana waxay raadiyaan marmarsiinyo ay kaaga cabanayaan. Haddii wiilka aad sheekada wadaagtaan uu marwalba yahay mid kaaga sheeka dhibaatada haysata oo aan afkiisu aqoon ereyada farxadda leh, fursad ayaad haysataa eek a carar waaba haddii aad raadineyso nolol farxadeed. Waayo isla waqtigaas ayaadba fahmi kartaa cabashooyinkiisa badan iyo inuusan diyaar u ahayn inuu noloshiisa wax ka bedelo, murugadiisa uu farxad u bedelo. Side ayaad noloshaada ugu aamini kartaa midka noocaas ee weji macbuuska iska ah. 

4. Faataale
Waa mid aad u been badan, waxa uuna khabiir ku yahay inuu maskaxdaada saameeyo oo uu siduu hadba isaga doonaayo kaa yeelan karo. Faataale ujadeedadiisu maahan mid guur wanaagsan iyo farxadba raadinaya. Wuxuu rabaa qof uu ku cayaaro oo uu noloshaada oo dhan ka dhigo wax iska kaftan iyo maalmo uun ku kooban. Faataaluhu wuxuu rabaa in ay biilka guriga cidaada bixiyaan weliba uu labiskiisa adiga kaa soo raadsado. Ogowna xataa haddii aad adiga jeceshahay oo wuxuu doona aad u sameyso xitaa asaga dhab kama ahan oo tobonaan gabdho oo kale ayuu kula wadayaa. Haddii mid noocaas ah aad haddaba sheeko wadaagtaan ogow guurkaaga kadib waxaa kuu dambayn doona shalaay iyo murugo. Haddii aad ka heshay qormadan fadlan lasii wadaag asxaabtaada, sidoo kale faallo ama comment ka bixi.


WQ: Ahmed Jacaylow

Post a Comment

0 Comments