Haddaba, haddii aad ka mid tahay Ragga Xishoodka badan, Taladaan iga qaado, Insha Allaah waxaad ka heli doontaa Awood aad jaceylkaagaa ugu sheegan karto Qofta aad ka heshay ee aad Mustaqbalka ka dooneyso.
Geli Maanka Ineyan Gabdhuhu Jecleyn Ninka Xishoodka Badan.
In Qofku uu Xishood dareemo waa Calaamad ku tusineysa Kalsooni darro, isku day inaad Kalsooni buuxda Muujiso markaad hor tagto Qofka Dumarka ah. Ogoowna iney Dumarku jecel yihiin Ninka Dhac-dhaca ah ee u fura Albaabada wada Xiriirka (Saaxiibtinimada).
Xiriirka Indhaha
Haddii Gabadha aad Mustaqbalka ka dooneyso ku hor fadhido, isku day inaad Indhaha kala Sheekeysato, hadalku wuu Fudud yahay marka loo eego Xiriirka Indhaha oo aad ugu Adag Dadka Xishoodka badan, sidaa darteed isku day inaad Naftaada ku leyliso Xiriirka Indhaha.
Dhoola Caddeynta
Dhoolla Caddeyntu waa Waddo kale oo Dadka lagu soo jiito, laguna Dareensiiyo inaad rabto, adigoo u Dhoolla Caddeynaya, gaar ahaan marka aad Indhaheeda eegayso, arrintaasi waxey Dareen Adag ku Beereysaa Qalbiga Gabadha, waxeyna Muujineysaa inaad dooneyso la hadalkeeda.
Is Agdhawoow
Marka aad Luqadda jirkeeda ka dareento iney ku dooneyso, Xilligaasi waa marka ay ugu Wanaagsan tahay inaad la hadasho, ha ka Shskinin, Dhankeeda u Dhawoow Adigoon wax cabsi ka qabin xaaladaha aad la kulmi karto, markaasi talaabada ugu habbooni waa ina ad jaceylkaaga qirato una sheegato.
Haddii aad qormadan ka heshay fadlan lasii wadaag saaxiibadaada xishoodka badan.
Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.
0 Comments