1. Dadka isqaba Waxay u Baahan Yihiin in ay Waqti Badan isla qaataan
Maadaama qofwalba uu ku mashquulayo shaqo, xannaaneynta carruurta, isticmaalka aaladda internetka iyo waxyaabo kaleba, lamaanayaashu isku celcelis waxaa laga yaabaa in maalintii ay isla qaataan 5 daqiiqo iyagoo isu gaar ah
2. Guurka jacaylka Laisku Guursado Wuu Adag Yahay inuu Waaro
In ka badan 75% dadka isku guursado shukaansi iyo xiriir jacayl ka dhexeeyay guurkooda wuxuu ku dambeeyaa furriin.
3. Guurka Yaraanta Lagu Guursado Waa Dhib Miiran
Marka ay dadku ku guursadaan da’da 20 jirka am aka yar wuxuu qayb wayn ku leeyahay furriinka ku badan bulshadeena. Sidoo Kale marka ay gabadhu guursato nin ka da’ yar waxaa ku badanaya halista furriinka.
4. Shukaansiga oo Sanado Badan Lagu Qaato Mustaqbalka guurka uma fiicna
Cilmi baarisyo la sameeyay ayaa muujiyay sarekaca heerka furriinka iyo qanacsanaan liidata inay ka imaaneyso marka ay dad sanado badan shukaansi kusoo qaataan. Waxaana loo sababeeyaa guurka kadib sheekooyinkii badnaa inay meesha ka baxayaan taasoo niyadjab ku keenta gabdhaha.
5. Dadka Hela Guur ay ku faraxsan yihiin ayaa nolosha kalena hormar ka gaara
Markay lamaaneyaashu helaan guur ay ku wada faraxsan yihiin waxay waqti u helayaan sidii ay midkoodba midka kale oo nolosha guul uga gaari ayagoo weliba is caawinaya.
6. Guurka Wanaagsan Wuxuu Keenaa Qaneecadda nolosha
Guurku wuxuu aad u kobciyaa qaneecada Nolosha, Sidaasa Waxaa Qaba Xeeldhereyaasha Cilmunafsiga ee Jaamacadda Wake Forest University oo ku taalla cariga Mareykanka.
7. Sheyga ugu Muhiimsan ee Guur Farxad leh
Lamaanayaashu sheyga ugu muhiimsan ee farxadda guurka ay u arkaan waa saaxiibtinimada, kalsoonida, farxadda iyo Qosolka, iscafinta iyo wadaagidda raaxada sariirta,
8. Farxadda guurka kadib Waxay ku Xiran Tahay Hadba Dabeecadda Qofka guurka Kahor
Cilmibaaris Qaadatay mudoo 15 sano ah ayaa lagu ogaaday in heerka farxadda shakhsiga guurka ka hor ay tilmaan cad u tahay farxaddiisa guurka kadib. Sikale haddan u dhigo guurka keligiis farxad ma keeno.
9. Inta badan dadka Furriinka Soo Mara Waxay Dib U Guursadaan Muddo Yar kadib
In kabadan 65% dadka guur hore usoo maray waxay mar kale dib ku guursadaan wax ka yar laba sano.
10. Dadka Isqaba in ka badan 10 Sano Way Isu Ekaadaan
Bal dib u fiiri dadka kuu dhow ama aad adiguba
taqaano ee is qabay mudoo ka badan 10 sano. Marka aad mid iyaga kamid ah aragto
islamarkiiba maxaa maskaxdaada Kusoo dhacayo?
Su’aashaas jawaabteeda adiga ayaan kuu
dhaafayaa akhrise ee kasoo faalo dhiibo qaybta commentska.
Haddi aad ka heshay maqaalkan, fadlan ha
iloowin inaad asxaabtaada lasii wadaagto.
0 Comments