Rasuulka CSW, ayaa wuxuu Cali Ibnu Abii Daalib RC, ku yiri:- Caliyoow Habeenkii la i dheelmiyey ee Micraajka, waxaan arkay Dumar ka mid ah Ummadeyda, kuwaas oo loo Cadaabaayo si daran, aadna ii Taabatay igana keentay ilmo:-
1- Waxaan arkay Gabar Tiir lagu xiray oo Tiirkaas ay ka soo Laalaadaan Naasaheeda.
2- Waxaan arkay gabar kale taasoo Cuneysa jirkeeda, misana xaggeeda hoose uu Dab ka baxaayo.
3- Waxaan arkay Gabar kale oo meel lagu xiray, Gabadhaas waxa loo Cadaabayaa si daran, iyada oo Gaajo darteeda u Cuneysaa Xididadeeda.
4- Waxaan arkay gabadr kale, waxa la isku xiray Gacmaheeda iyo Lugaheeda, waxaana si bilaa Naxariisa ah u Cunaaya Jirkeeda oo dhan Masas.
5- Waxaan arkay Gabar kale, wey Dhega la'dahay, Hadal la'dahay oo Indho la'dahay, Dabka lagu Gubaayo waxa uu kelifay in Maskaxdeedu ay ka soo booddo Madaxeeda iyada oo Kar-kareysa, jirkeeduna uu noqdo sidii oo uu Juudaan ku dhacay.
6- Waxaan arkay Gabar kale, waxa Tiir laga soo Laaladiyey Lugaheeda iyada oo Madaxana dhulka ku heysa.
7- Waxaan arkay Gabar kale, waxa si aad u yar yar Cad-cad loogu Jarjarayaa jirkeeda Maqas Naar ka sameysan.
8- Waxaan arkay Gabar kale, waxey leedahay Madax aad u weyn, jirkeeduna waxa uu u eg yahay Dameerka, waxaana la siinayaa Ciqaabo kala duwan.
9- Waxaan arkay Gabar kale, Wejigeedu waxa uu u eg yahay Eyga. Dabku wuxuu ka Galayaa Dabadda, wuxuuna ka baxayaa Afka, waxaana Silsilad Naar ka sameysan ku Garaacaya Malaa'iikta.
Kadib Faatima RC, ayaa ku tiri: "Rasuulkii Allow, maxey sameeyeen dumarkan ee sidaas oo dhan loogu Cadaabayaa?. Deedna Rasuulka CSW, ayaa Fatima kuyiri, Gabadheydiyey:-
1- Gabadha Naasaheeda Tiirka laga soo Laalaadiyey, waa Gabadhii mar kasta Xaqiri jirtey Wax qabadka Wanaagsan ee Ninkeeda, waa tii oran jirtey "Waxba ma tihid, waxna ma Qabatid, weligaana wax Wanaagsan maad sameen".
2- Gabadha Cuneysa jirkeeda, ee Dabku ka baxaayo Xaggeeda hoose waa Gabadhii u Qurxin jirtay Jirkeeda Nimanka aan u aheyn Muxram.
3- Gabadha lagu xiray Tiirka ee loo Cadaabayo sida daran, iyana Cunaysa Xididadeeda waa Gabadhii Dumarka kale ee ay isku Jinsiga ahaayeen isku Galmoon jireen.
4- Gabadha la isku xiray Afarteeda Addin, misana ay Cunayaan Masaska waa Gabadhii aan aad u daneyn jirin Dahaarada, oo aan si Fiican isaga Nadiifin jirin Xaydka iyo Janaabada, misana Salaada sidaa ku Tukan jirtey.
5- Gabadha Dhegaha la' ee Hadalka la' ee Indhaha la' waa Gabar ku Shaqeysan jirtay Ubadka yaryar, mise marka dambe ku hor Maagi jirtay ama Canaanan jirtey Ninkeeda agtiisa.
6- Gabadha Madaxa ku heysa Dhulka, soo Foorarta ee Tiirka Lugaheeda ku xiran yihiin waa Gabadhii ka bixi jirtey urigeeda iyadda oo aan Ogolaansho ka haysan Ninkeeda.
7- Gabadha Maqaska lagu Jarjarayo jirkeeda isagoo Cad-cad ah, waa Gabadhii aan ka xiran jirin Xijaabka Nimanka aan Muxramka u aheyn.
8- Gabadha leh Madaxa weyn ee misana jirkeedu u eg yahay Dameerku waa Gabadhii Dadka Dabadooda wax ka oran jirtey, misana Beenleyda ah.
9- Gabadha Madaxeedu Eyga u eg yahay, misana Dabku Dabada ka galayo, Afkana ka soo baxayo, haddana Malaa'iiktu ku garacayaan Silsiladaha Naarta, waa Gabadhii Hinaasiyadda ahayd oo dhibta badneyd oo wax kasta oo Wanaagsan ka Xumaan jirtay, Ninkeedana dhibi jirtay mar walba.
Xigasho Macoow Ustaad.
1 Comments
Nlanergraphni_Omaha Tim Sitton click
ReplyDeletegaregali