Tacab iyo Tiisgi: Sheeko Murti Iyo Xiiso Badan

sheeko-tacab-tiigsi
Qoys sabool ah, sabool ka ah' maal iyo mood labadadaba. Waa qoys beerlaawe ah, dabcan waa qoys dhaqashada xoolaha-nool ku adkayd, dabci ahaan iyo dad ahaanba labadaba! Maalintii hurdo ayaa lagu ballansanaa; caweeyskii-na ciyaar ayaa la gu ballansanaa, dhabiiq, sacab-tun, jaandheer, wiglo iyo Saylici ayay u guureeyaan habeen wal oo alla soo gooyo. Dhawaaqa jaantu dhankay ka xigto ayaa dhegta u raacirriciyaan, dabadeedna, ay u yaacaan iyagoon dheg la qabto lahayn.

Ceeb iyo dhiilo midna laguma canaanto xoolo-xoorka ay caadaysteen, marka laga hadlayo saboolnimada halakaysay miscirirtodda. Garaadkooda waxay la ahayd inay waxooda ay cido kale raqaayaan, gaar ahaan, kuwa la degan iyo kuwa la jaarka ah. marmarka qaarna waxey kashakiyaan kuwo aan dhalan-ba oo waxay u gu duurxulaan hees habeenkii marka jiibta iyo jaanta ciyaarta la isla hello. Tacabkoodu waxa uu ahaa hadal iyo haaraam midba midka kale ku hayo. Hiif iyo hagardaamo waxaan ahayn waqood la iskuma salaamin. Waa lays tuhmayaa.

Dadka la deganna waa iska dhowri jireen, oo dadka qaarkood ayaa oran jiray faraha isaga qaada iyaguun baa fiidkii markay ardaaga isugu yimaadaan wayrax iyo wareer is haraayuubi doona e. Sidaas ayaa loo gu ka la baxaa, cabbaar kadib-na, sanqadha usha, weelka jabaya iyo buuqa ayaa cirkaas isku shareera!!!

Tabcashada iyo Madhaxa ay galaan waqtiyada badhaadhaha ah'-- waa xilliga gu'ga iyo dayrtu hooraanne, waxa uu u dhalaa inay waqtiga abaaraha baryo iyo amaah-qaadasho hadba reer asaagood ah'la dul yuurarsan. Gurgurshaaga ay ku guuraana daqiiqad walba heeryaysnaaddo. Baryaduna waxay ahayd dabeecad ay ka ga tuxsatay.

Qoyskan saboolnimadu hantida iyo caqliga ba ka ga dhacday, nasiib darradooda haddii la waaniyo ama loo dardaar-weriyo waxay u haysteen in la yasayo ama la gu diganayo. Marka laga hadlaayo nolol iyo adduunyo horey umartay, waxa ay ku faannaan awr dalaan-dalliye ahaa- oo ayy ku guuri jireen oo qudha. Waa hal awr oo gaboobay oo garba-beelay oo ay ka dhaxleen oday ay qoys ahaan isu xigaan, oo tamarbeellay oo tagoogadu ismiiqday, sidii, hdaba culays iyo rar ka tan badan dusha looga saarayey ilaa isaga uun bay miciin bidayeenne. Marmarka qaar waxaa dusha laga saaraa alaabaha reerku isticmaalo, ilmaha yaryar iyo waxwalboo ay ku rari karaan, caqliguna ma siinayo in naflaha ay u naxaan oo tacaddiga ka dhaafaan.

Awrkaasi turuqiisa iyo tamartiisuba intaas la eg tahay ayey xilli abaar ah iyo xili jiilaalba ku guuri jireen. Waqtiyada barwaaqada inta ay loogtaan ayaa maskaxdooda aad uga guuxi jirtay, ilaayn baahi darteed beer beer kama xigine. Tabasho iyo dhib kale weligood umay u dulqaadan. Markay busaaradoodaan oo haddanna sanuuntu ku kacdo, ayay u miliqsadaan inay cad iyo maraq dayaan dukhuunkan gaboobbay! Dar Alle ayuu uga badbaada oo tiisa ayuunba-galin. Waqtiga abaarta marka u badbaado ee ay ogaadaan inay u baahan yihiin in ay ku guuraan ayay ka yaxyaxi jireen berigii ay ku fekereen in ay qashaan, ka dibna duco iyo heeso ku sabi jireen.

Maanta gaboow ayaa soo ritay gurgurshaagii, wanaagii jiilaalka iyo abaarta lagaga soo baxay sidaas ayay ku illaabeen oo fagaaga horre ee aqalka ayuu gaajo iyo haraad la fadhiyaa.

Ceebta sideedaba ma qabato qoyskaan oo qof gartaa aan daaq iyo biyo toona u raadino ma jiro. Cagta ayaa laga soo baxay waana sababta keentay fadhigiisa, caloosha-na dooc ayaa ka haysa. Maanta awrkii qablan ahaa oo dhiiqada afaafka guriga hore buuxisay waa kaa. Waa da' daashay oo diif iyo dayacaad u dheer tahay. Weligiis qof ma raacin daajiya ee hadba mid segegar ah ayaa galinka hore meelahaas ku laalaabi jiray.

Qoyskii waa isku tageen inay dabiibaan dhibaatada awrka haysata ee xanuunka gudaha iyo dibbada ba uga soo if-baxday, waa inaay dabiibaan oo garbaa loogu leeyahay, mase dhicin. Muddo markay xanuunkii ku eeganayeen waxay isla garteen inay awrka "Asal qurxiya" oo habbeeda iyo huryada ka maydha dusha ka ga aslaan, oo qurxiyaan wixii doonaa gudaha iyo caloosha ha ka ga jiraane.

Waxay iska dhaadhiciyaan marka ay quruxdiisa usoo laabato asaga ayaa iskiisa u bogsoon doona, sidaas ayay ku fekereen intay dhaheen oo ku ballameen isha dadka aan iska jeedino. Midkale ayaa asna ku taliyey aan iska horjiidno guriga reer hebel haku ag dhinto’e, midkale na waxa uu codsaday inaay reer hebel u dabiibaan iyaga ayaa karti iyo aqoonba u leh dhaqashada geela, sidaasi ayaana taladii dambe lagu qaatay!, intii reer hebel gurigooda loo jiidayay waa kan qablan sii taahay oo carabka laad-laadshay. Nin odey ahoo ayaa afaafka hore ee guriga taagnaa oo maqlaayay waxa ay ku wada hadlayeen qoyskaani, sidoo kale yaqaanay dabcigooda arradan, waxa-na laga hayaa "Aawroow (Qablan) kollay haddii aad xanuunkaan kujirto geeri ayaa kuu xigta, dhakhtarna iima muuqato inaad heli doonto e sagootin-wanaagsan! intaas ayaa laysku waafaqay.

Dulucda sheekada

Somaalida intooda badan waxa ku yar tacabka iyo qorshaha, waxa ku badan kibirka waqtiga badhaadhaha, halka waqtiga adagna calaacalka iyo cabashadu tahay udub-dhexaadka cuskashada qofkasta, sidoo kale waxa ku yar abaal celinta waxay na noqotay in laysku danaystay! Weli, dadka dhibaatadooda dadkale ayay dusha ku saaran sida; "Dalka wa la burburiyay, annaga reer hebel ayaa noo danleh, hebel ayaa reer hebel la dagaalamaya IQKB", maahmaah Somaaliyeed ayaa ah; "habar dhaliwayday aleelo cuskaday" sida sheekada ku jirta e qoyskaasi gaboowgii awrkii qablan gurikale ugu jiideen markay dabiibi waayeen, si lamid ah dhibta qofka iyo qaranka haysata dadkale ayaa dusha looga raraayaa, miyaaney dadku buuxin shuruudihii dadnimo dhibtooda na xalinkara ama iskood isku dilikara? Maxaase hadii hal guul timaado tartan loogu wadajira?

Waqtigann cusubna waxa u dheer waxkasta hoosta ka ololaya/belbelaya ayay dadku dusha ka qurxiyan sida qoyskaasi awrkii qablan dusha uga asleen, tusaale; baraha bulshada aya kow-ka-noqday dheehmarinta nolosha hoosta kahuraysa dushana ka qurxoon. 

WQ: Hassan Abdi Shire

Post a Comment

0 Comments